Kadib Markii la sii saadaaliyay in Ayax fara badan uu ku soo fool leeyahay Gobalada dhexe ee Somaliya ayaa 29 June 2020, Bangiga Aduunka wax uu Ansixiyay Lacag dhan $ 40 Million oo ka mid ah Kaalmada Horumarinta Caalamiya ah ( International Development Assistance – IDA) in lagu caawiyo Somaliya, looguna talagalay Mashruuca ka hor taga deg deg ah ee Ayaxa ( Emergency Locust Responce Progaram -ELRP). ..( F.S: 1aad).
Ayaxaas oo billaw ah ayaan ku arkay Galkacyo Bishii hore ( F.S: 2aad) , waqtigaa waxaa Garoonka Dayaaradaha OSHACO Intrrnational Airport ee Gaalkacyo tiil hal Dayaarad oo kaliya oo ah kuwa Qumaatiga u kaco oo ey leheyd Shirkadii Qandaraaska ku qaadatay ka hortagga Ayaxa. ( F.S: 3 & 4aad).
Ayaxaasi Maanta waxa uu soo Gaaray Magaalada Mahadaay ee Gobalka Sh/ Dhexe, isaga oo ku soo fool leh Dhinaca Balcad iyo Shabeelaha Hoose, kadib markii uu hore u soo xaalufiyay Dalaggii iyo Daaqii Goballo badan oo ah Bartamaha Somaliya. Ayaxaasi waxa uu reebi doonaa Koronkoro uu dhalay oo xiliga dambe soo bixi doonto.
Xal.
Somalidu waxay tiraa: “Aqool xumo Irmaan guran ka daran”, xagee loo isticmaalay $ 40 Million?. ((( Haddii la dhihi lahaa Qofkii soo qabto Hal Ayax waxaa la siinayaa Hal Dollar))), Ayuxu kama badno 40 Million oo Ayax ah, ” Qiyaasteyda aan sugneeyn” , waxa ey ila tahay in Ayaxa Hawada looga hor tagi lahaa, Jawaano lagu guri lahaa, Dadka Deegankuna ey heli lahaayeen $40 Million. (F.S: 5 -12aad)
Ha la is weeydiiyo Halka ey ku baxday $40 Million, wixii ey qabatay Cidii Qandraaska ku qaadatay.
FG: Cid gaar ah uma Dan lihi, mid ka mid ah Xalalka ayaan sidaa u arkay, Shacabkuna Xaq ayey u leeyihiin in ey ogaadaan arrimaha khuseeyo iyo $40 kaa Million oo macaawinada ahi halkii ey ku baxaday. wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore:Yahya Amir.