Ra’iisal wasaarihii hore Ee Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke ayaa dib udhigay Safar uu ku imaan lahaa Muqdisho.
Cumar C/Rashid ayaa waxaa uu ka mid yahay Senetorada Soomaaliya balse marna kama qeyb gelin kulamada Aqalka sare sidii loo doortay.
Saaxiibadiisa siyaasadeed ayaa waxay kula taliyeen in hadda mudneyn inuu xamar yimaado.
Hami siyaasadeed ayuu leeyahay Cumar C/Rashid kaas oo Madaxweyne inuu utartamo doonayo.
Dhawaan ayuu yimid Senetor Cumar CRashid Magaalada Nairobi Caasimada Kenya isagoo la kulmay Siyaasiyiin qudhooda xil ka doonaya Soomaaliya.
Cumar Cabdirashiid oo lagu xanto inuu xiriir dhaw la leeyahay Dawlada Imaaraat-ka Carabta ayaa sheegay inuu dib udhigay imaanshihiisa Muqdisho.