Warar ay heshay Warbaahinta Gudaha ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya ay ku qancisay madaxweynaha waqtigiisa uu gabaabsiga yahay ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare inaanu isu soo sharixin doorashada soo socota.
Waxaa jira balanqaadyo Maaliyadeed iyo mid xil oo loo balan qaaday Waare, kuwaasoo qaarkoodba qeybo kamid ah haatan la bixiyay, halka kuwa dhimanna la isla qaatay in mudooyinka soo socda la bixiyo.
Xubno ku dhow madaxweyne Waare waxa ay inoo sheegeen in la gaaray heshiis ku aadan in madaxweynaha Hirshabelle ee xiligan la siiyo adduun lacageed oo gaaraya Laba Milyan oo doollarka Mareykanka ah, sida xogta aynu ku helnay lacagtan waxaa la bixiyay $600,000 (Lix Boqol oo Kun dollar), waxaana lacagta harsan oo ah 1,400,000 (Hal Milyan iyo Afar boqol oo Kun oo doolar) la isla qaatay in la bixiyo kahor inta aan si toos ah loo guda galin doorashada baarlamaaniga iyo mida madaxtooyada.
Villa Soomaaliya ayaa isu diyaarineysa in ay door muuqata ku yeelato doorashada Hirshabelle, iyadoo dooneysa in si lamid ah doorashooyinkii Koofur Galbeed iyo Galmudug ay nqooto natiijadeeda mid ka qoslisa.
Waa Kuma musharaxa Villa Somaliya ee doorashada Hirshabelle?
Cali C/llaahi Xuseen Guudlaawe oo ah madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle ayaa kamid ah musharixiinta ugu cad cad ee loogu hadal heynta badan yahay doorashada soo socota ee maamulka Hirshabelle, iyadoo todobaadyadii la soo dhaafay uu waday kulamo is daba joog ah.
Waxaa la hadal hayaa inuu Guudlaawe yahay xulashada Koowaad ee Villa Soomaaliya u wadato doorashada Hirshabelle, isagoo ololihiisa durba ka bilaabay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Mr. Guudlaawe wuxuu durba la kulmay Siyaasiyiin, Xildhibaano, madaxweynayaal hore, hoggaanka dhaqanka beelaha iyo dhalinyarada qeybohooda kala duwan, qaar kamid ah dadkii uu la kulmay waxa ay in oo sheegeen inuu u muujiyay rajo ku aadan inuu ku guuleysan karo doorashada soo socota.Image may contain: 10 people, people standing
Guudlaawe ayaa galaan gal weyn ku leh deegaanada Hirshabelle, si gaar ah gobolka Sh.dhexe oo oo uu hore uga soo noqday gudoomiyihii Sh.dhexe kahor inta aan loo dooran xilka madaxweyne kuxigeen.
Maxaa laga yeelayaa arinta caasimadda?
Waxaa jirta dood ku aadan halka ay noqoneyso caasimadda maamulka Hirshabelle, mar hadii Guudlaawe ku guuleysto doorashada soo socota, maadaama beeshiisa ay haatan heysato caasimadda Hirshabelle oo ah magaalada Jowhar.
Dad u dhuun duleela arrimahan waxey Warbaahinta u xaqiijiyeen inuu socdo dadaalo ku aadan in Caasimadda laga wareejiyo magaalada Jowhar, loona weeciyo dhanka gobolka Hiiraan, iyadoo waayadii danbe ay reer Hiiraan lahaayeen xilka madaxweynaha.
Magaalooyinka Baledweyn iyo Buula-Barde, ayaa la isku hayaa mida ay noqoneyso caasimadda cusub ee Hirshabelle, hadii ay sanadkan reer Hiiraan waayaan xilka madaxweynaha Hirshabelle, labadii xili ee ina dhaafay reer Hiiraan waxey ku fadhiyeen xilka madaxweynaha, halka reer Sh.dhexe ay heysteen caasimadda.
Cali C/llaahi Cosoble oo hore u soo nqoday madaxweynihii u horeeyay ee Hirshabelle, ayaa fagaare ka sheegay in cidaan aheyn beeshooda oo uu ula jeeday Xawaadle aanay madaxweyne ka noqon Karin Hirshabelle, wuxuuna biya dhaca hadalkiisa ahaa in kursigaas uu yahay mid u xiran reerkooda, si lamid ah sida uu yiri mamaulada Galmudug iyo Puntaland.Ciidamo Boolis Iyo Nabad Sugid Ah Oo Tabobar Loogu Soo Xirey B/weyne – Goobjoog News
Waa kuma musharaxa mucaaradka ee Hirshabelle?
Mucaaradka dowladda ayaa iyaguna dhankooda wada dadaal aan ka yareyn midka madaxtooyada, iyagoo kulamo is daba joog ah durba ka bilaabay magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay ugu diyaar garoobayaan doorashada soo socota.
Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo hore u soo noqday Wasiirkii Amaanka Soomaaliya ayaa ah ninka haatan loogu hadal heynta badan yahay ee dhanka mucaaradka dowladda ay u wataan doorashada Hirshabelle.Dowladaha Somalia iyo Ethiopia oo ka Hadlay Weerarkii Halgan
Xildhibaan C/risaaq oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan, ayaa hore kaalin aan muuqan ugu lahaa labadii doorasho ee loogu soo baxayay madaxweynaha Hirshabelle, isagu laftiisa wuxuu dhankiisa ka waday kulamo ku aadan latashiyada doorashada soo socota ee aan wali sida rasmiga ah loo shaacin mudada ay qabsoomeyso.
Yuu madaxweyne Farmaajo u xil saaray dhismaha Hirshabellada cusub?
Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihiisa Nabad Sugida Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa isu kala qeybiyay laba shaqo oo waaweyn, madaxweynaha waxa uu qaatay howsha ah soo magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, halka Taliye Fahad farta laga saaray arrinta Hirshabelle.Image may contain: 1 person, sitting
Fahad Yaasiin ayaa kulamo la qaatay dad uu ku jiro Cali Guudlaawe, isagoo kala hadlayay arrimaha doorashada sida ay ugu fudud ee dowladda uga soo saaran karto musharax rabitaankeed aku yimaada doorashada inna soo aadan.
C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir oo la yaabay tira badnida howlaha Taliyaha NISA ayaa carabka ku dhuftay in Fahad Yaasiin howlaha loo xil saaray haatan ay qeyb ka tahay arinta Hirshabelle.Cabdiraxmaan cabdishakuur oo aad u dhaliiley mushruuc la hakiyey + sira uu khashifey – Beegsonews-Wararka maantakastaba, haatan dowladda waxaa gacanteeda si buuxda ugu jira maamulada Koofur Gallbeed iyo Galmudug oo ay kala hogaamiyaan C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo hore u ahaa Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta iyo Galmudug oo uu hoggaamiyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo isaguna hore u ahaa Wasiiru dowlahha Wasaarada howlaha guud.
Image may contain: 2 people
Maamulada Puntland iyo Jubaland, ayaa ah kuwa kaliya ee inta badan ka horyimaada go’aanadda iyo siyaasida Xukumada Nabad iyo Nolol, waxa ayna dadaal ugu jirtaa in madaxweyne taageersan u dhiibto Hishabeelle ka hor doorashada Faderaalka ee horaanta 2021-da.
17 Oktoobar 2016 ayaa la doortay madaxweynihii ugu horeeyay ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyada oo mudo xileedka maamulka wax ka yar bil uu ka harsanyahay ayna jiraan dadaalo ay wado madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya ee ku aadan arimaha doorashooyinka Hirshabeelle.
Xigasho. Mustaqbla.