Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lasoo sheegayaa inuu fara geliyey xiisada Galmudug.
Waxa jirtay in General Mascuud uu la kulmayo Cadaadis ah inuu hubkii Ahlusuna wareejiyo.
Ahlusuna waljamaaca ayaa hubkoodii waxay ku wareejiyeen markii laga awood badiyey bishii maarso Sanadkaan General Mascuud oo meliteriga katirsan.
Madaxweyne Qoor qoor ayaa dhawaan dalbaday in lagu soo wareejiyo hubkii Ahlusuna laheyd balse General Mascuud oo hore Ahlusuna uga mid ahaa ayaa diiday arintaas.
Ciidamo laga qaaday Muqdisho ayaa ka degayey maanta ilaa labadii cisho ka horeysay Magaalada Dhuuso mareeb.
Hadaba xiisadaas waxa fara geliyey Ra’iisal wasaaraha cusub isagoo taageeray in hubka xoog looga wareejiyo General Mascuud Warsame.
Ma cada xaalada Galmudug halka ay ku dambeyn doonto.