Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa waxay Warqaad usheegeen in kulan qadka Taleefoonka dhexmaray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaaraha cusub Dalka.
Markii la magacaabay Rooble ayaa waxa uu la helay wicitaan saaxiibkiis Xasan Sheekh oo ay muddo soo wada halgameen.
Xogheynta ku dhaw Ra’iisal wasaaraha cusub ayaa xaqiijiyey in ay kulankaas dhacay balse waxay ka gaabsadeen ka hadalka wixii la isku waafaqay.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in Xasan Sheekh Maxamuud hambalyo uu usoo diray Eng, Rooble uu ka codsaday fursadaha Xukuumada cusub wax laga siiyo.
Rooble oo Wasiiradiisa soo dhisi doono ayaa xisbiga UPD siinaya xubno ka mid ah wasiiro wallow aan la ogeyn tirada.
Sidaas oo kale Wasiiradii hore ayaa bilaabay qorsheyaal ay ku doonayaan in dib ugu soo laabtaan inkastoo kuwo badan daaqada ka bixi doonaan.