Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) ayaa waxa uu dib ugu laabtay Duleedka Beled xaawo gaar ahaan Xerada Banyooleey.
Xeradaasi waxaa kusugan Ciidamada Jubbaland Ee Wasiir Janan la socda,islamarkaana dagaalka looga saaray Bishii Maarso Ee Sanadkaan islamarkaana la sheegay in Nairobi ku maqnaa maalmihii lasoo dhaafay.
Wasiir Janan ayaa la sheegay in uu bilaabay olole iyo duulaan cusub si uu uqaado weerar deegaanada Dawlada ay gacanta kuy dhigtay Gobolka Gedo.
Inkastoo si faah faahsan loo heynin macluumaadka hadana waxaa la xaqiijiyey in hub aan cadadkiisa la ogeyn Dawlada Kenya Wasiir Janan soo siisay.
Tiro dhowr jeer oo sidaan ay dhacday Lama sheegin Hubkaasi iyo Wasiirka Dawlada Dhexe ka baxsaday halka uu ku dhuumaaleysanayey Mandheera Kenya.