Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa iska diiday casuumaad ay u fidisay madaxtooyada Soomaaliya, kaas oo loo soo mariyay xubno ku dhow Ra’iisal wasaaraha.
Xasan Cali Kheyre oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha ayaa 25-kii July waxaa xilka ka qaaday Xildhibaanada Golaha Shacabka, xilli uu safar shaqo ugu maqnaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.
Sida ay inoo sheegeen xubno ku dhow Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya inuu la kulmo Xasan Cali Kheyre oo uu raali ka ahaa riditaankiisa, isagoo kala arrinsanaya xaaladda dalka iyo waliba arrimo kale oo soo cusboonaaday kuwaas oo faah faahintooda helin.
Mr. Kheyre ayaa ka cudur-daartay dalabka Madaxtooyada,isagoo ku wargeliyay inuusan hadda diyaar u ahayn kulanka madaxweyne, balse uu dib ka soo sheegi doono haddii uu la kulmo karo iyo in kale.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Xasan Cali Kheyre uu ka careysan yahay qaabkii looga qaaday xilka oo la aamisan yahay in madaxtooyada gadaal ka riixeysay, wuxuuna hadda kulamo kala duwan hooygiisa kula leeyahay siyaasiyiinda dalka iyo xubno Xildhibaano ah oo isaga taageersan.
Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre oo labo cisho ka hor ku dhawaaqay inuu yahay Musharax ayaa Muqdisho ka bilaabay kulamo siyaasadeed oo bilow u ah Ololihisa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya sanadka 2021.
Hayeeshee waxaa la rumeysan yahay in fiilooyinka siyaasadeed ee hadda la xir xirayo ay dhamaantood hal meel kusoo biyo shubanayaan waana in uusan soo laaban madaxweyne Farmaajo.