Qaar ka mid ah dadka siyaasadda falanqeeya ayaa Dowladda Farmaajo ku dhaliila in tan iyo markii la soo doortay ee 2017-kii aanay qaadan wax shaqaalo Dowladeed ah,islamarkaana dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed shaqo la’aan ba’an ay ku heysato gudaha dalka.
Waxaa jira shaqaalo KMG ah oo u diiwaangashan Dowladda, kuwaas oo lacago guno ah qaata oo aan ku filneyn,islamarkaana mudo sanado ah sugayay in la shaqaaleysiiyo balse taasi aanay dhicin.
Xildhibaano badan ayaa mudo ku doodayay in muhiim tahay in la qaato shaqaalo cusub, maadama jaamacadaha Muqdisho ay ka soo baxayaan dhalinyaro badan oo waxbartay oo u baahan iney helaan shaqo si mustaqbalkood iyo midka waalidkooda u ifiyaan.
Baaq Xildhibaanada ayaa waxba laga soo qaadan, inkastoo wararka qaar oo aan heleyno ay sheegayaan in si hoose Xildhibaanada iyo Wasiirada u shaqaaleysiinayaan dad iyaga ay wataan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa siyaasadda ku soo galay inuu xoogga saarayo bixinta xuquuqda shaqaalaha iyo ciidanka Dowladda Federaalka, kuwaas oo horay Dowladihii dalka soo maray u duudsiin jireen.
Wasaarado qaar ayaa jira oo dadka shaqaalaha KMG ah ay qaataan dhaqaalo fara badan, kuwaas oo ay amreen dadka ugu sareeya ee Xafiisyadaa heysta.