Sida wararka aan ku helnay, Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wada qorshe uu kus oo magacaabayo golihiisa Wasiirada, kuwaas oo bedelaya Wasiirada haatan xil-gaarsiinta ah.
Xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisal waasaraha ayaa si wadajir ah isaga kaashanaya xubnaha Wasiirada cusub loo magacaabayo, sidoo kale waxaa ku lamamaanan guddoomiyaha Baarlamaanka oo qudhiisa wata shaqsiyaad uu doonayo iney ka soo dhexmuuqdaan golaha Wasiirada ee dhawaan lagu dhawaaqayo.
Xogta aan helnay ayaa sheegaya, in ay Villa Soomaaliya amar ku bixisay in Liiska Wasiirada cusub laga saaro ilaa iyo dhowr xubnood oo Wasiiro ah,islamarkaana Ra’iisal wasaaraha cusub lagu wargeliyay inuusan ku soo darin xukuumaddiisa.
Xubnaha Wasiirada ah ee laga reebay Liiska waxaa ka mid ah Wasiirka amniga Soomaaliya Xil. Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xildhibaan Xasan Cali Amardambe, wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Sabriye wasiir ku xigeenka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xidhibaan Cusmaan Daalo iyo qaar kale.
Wasiiradaan ayaa ahaa saaxiibo aad ugu dhaw Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya waxeyna qaarkood kuu sheegayaan in aysan ku soo laaban doonin Xukuumadda cusub sababo badan aawgood. Sababta loo soo celinayo wasiirada hore ayaa sidoo kale lagu sheegay in shaqada halkeedii ka sii socoto si uusan u imaanin gaabis kale.
Sidoo kale, Waxaa jira Wasiir u badan tahay iney soo laabtaan kuwaas oo xiriir dhow la leh madaxweynaha Soomaaliya, qaarkood waxaa ka mid ah, Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriya, Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre, Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiir kale oo badan.
Wejiyaal cusub ayay suurta gal tahay iney ka soo dhex muuqdaan Xukuumadda cusub oo saaxiib dhow la ah Ra’iisal wasaaraha, kuwaas oo qaarkood horay siyaasadda loogu aqoon.