Hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku sifoobay inay qaadaan tallaabooyin aan horay looga baran madaxda Soomaalida dowladda dhexe ama dowladaha xubnaha ka ah.
Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo Sayid Axmed Islaam Madoobe ayaa noqday hoggaamiyeyaal lagu xasuusan doono inay wax badan ka beddeleen geeddi u socodkii siyaasadda dalka, oo waayadii dambe walaac badan aynu ka qabnay.
Labada madaxweyne ayaa tallaabooyinka ay qaadeen waxaa ay horseedeen in dalka laga qaban-qaabiyo doorasho loo dhan yahay, iyadoo qabsoomidda arrintaas ay adkeyd markii Dhuusamareeb la joogay.
Inkastoo shirkii Dhuusamareeb 3 ay qaadaceen madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland haddana go’aankoodaas wuxuu horseeday in madaxweynaha federaalka Maxamed Farmaajo ay ku dirqiyaan inuu aqbalo in dalka uu ka rido doorasho loo wada dhan yahay.
Tallaabooyinka ay dhabbaha u xaareen labada madaxweyne waxaa kamid ah;
1- In ay ka hor-yimaadeen mooshinkii xil ka qaadista RW hore Kheyre
2- In ay meesha ka saareen cabburin DF ku heysay siyaasadda iyo dhaqanka Xamar
3- In doorasho loo wada dhan yahay dalka ay ka qabsoonto
4- Madaxweyne Farmaajo ayay ku qasbeen in uu ku raaco go’aankoodii shirkii Dhuusamareeb 1
5- In guddiga doorashada ay ka wada yimaadaan DF iyo maamullada, saamileyda siyaasadda iyo ururrada bulshada.
6- In labada aqal ee BFS oo kala jabsanaa ay mideeyeen
7- In baarlamaanku ansixiyay heshiiskii siyaasadeed ee doorashada
8- Sharci darrada in Kheyre uusan xilkii wareejin oo ay ka dhiidhiyeen
9- Tan ugu muhiimsan waxaa weeye, in beesha caalamka, EU, AU iyo UN ay tuseen in Soomaalida arrimaha ka dhaxeeya aan lagu sameyn karin faragelin oo iyagu dhammeysan karaan haddii ay wada hadlaan
#Sida aan ka odrosay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee maalmihii dambe ka jiray Muqdisho, socdaalka labada madaxweyne ayaa ka dhignaaday mid han siyaasadeed galiyay dhammaan saamileyda siyaasadda oo markii hore cabsi ka qabay ka qeybgalka doorashada 2020/21.
Waxaan qoraalkayga ku soo afmeerayaa, hoggaamiyeyaashani waxaa xusi doonta taariikhda, qof kasta oo madax maanta ah waxaa lagu xasuusan doonaa tallaabo kasta oo siyaasadeed ama bulsho oo uu qaado,
#sida Farmaajo loogu xasuusto dhiibistii Qalbi Dhagax iyo in ay caddaalad heli waayeen ehellada dadkii Soomaaliyeed ee dharaar cad lagu xasuuqay isgoyska Zoobe OCT, 2017-ka.
Waxaan rajaynayaa in umadda Soomaaliyeed isku soo laabato oo ay ku wada noolaato nabad iyo cadaalad waarta, Ilaah idinkii.
WABILLAAHI TOWFIIQ
Danjire Mahamed Caalim
Wabillaahi Towfiiq
Espoo, Finland
[email protected]