Xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa maalintii sedexaad ka socda Shirka Wadatashiga ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirkaan oo ah mid xasaasi ah ayaa looga hadlayaa hanaanka doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan dhammaandka sanadkaan 2020/2021, isla markaana waxaa uu shirkaas saldhig u yahay heshiiskii Dhuusamareeb-3.
Wararka ayaa sheegaya in dooduhu ay adag yihiin, maadaama si weyn Madaxda uga hadlayaan qodobada shirkii Dhuusamareeb3 oo ay ka maqnaayeen Maamulada Jubbaland iyo Puntland.
Dhanka kale Madaxda ayaa la filayaa in marka ay isfahmaan khudbad jeediyaan, islamarkaana warsaxaafadeed ay ka soo saaraan shirkooda, waxaa suurtagal ah in saacadaha soo socda ay heshiis rasmi ah ka gaari doonaan madaxda nooca doorasho ee dalka ka dhici doonto marka la gaaro sanadka 2020-2021-ka.