Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Turkiga ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladda wiilka Soomaaliyeed ee Guuleed Cabdi oo Turkiga lagu martiqaaday, iyo wixii uu kala kulmay dowladda Turkiga.
Safiirka ayaa sheegay in Guuleed ay maalinta Berri u bilaabanayo tababar kooban oo labo maalmood socon doona, kadibna uu ku noqon doono Soomaaliya, isagoo dalka Turkiga ku noqon doona muddo yar kadib.
HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA SAFIIRKA
Guuleed Aadan Abdi iyo Hooyadii Maryan si fiican baa Turkey loogu soo dhoweeyey.Turkey waxay ku yimaaddeen martiqaad rasmi ah oo ku marti qaaday Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalkan Turkey HE Mevlüt Çavuşoğlu. Shalay oo Axad ahayd Guuleed iyo hooyadii waxay magaalada Gaziantep kaga qayb galeen bandhig ama dabbaaldeg weyn oo lagu soo bandhigayey wax soo saarka diyaaradaha noocyada kala duwan ee Turkey samayso oo sanadkiiba mar la qabto.Gaziantep waxaa ku soo dhoweeyey Selçuk Bayraktar oo ah ninka sameeya diyaaradaha iswada ee Drones ka wuxuuna Guuleed siiyey hadiyad Drone yar ah.
Maanta oo Isniin ahaydna waxaa Ankara xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Turkey oo waqti fiican siiyey Guuleed iyo hooyo Maryan.Wasiirku wuxuu hadiyad u siiyey diyaarad yar oo drone ah oo ah nooc uu ku tababaran karo.Safaarad ahaan maanta waxaanu fursad u helnay in aanu qado sharaf u samayno Guuleed iyo hooyadii.
Markii dambana waxaanu ku soo dhowaynnay oo ay soo booqdeen Safaaradda Soomaaliya ee Ankara. Guuleed berri waxaa u bilaamaya tabobar kooban oo labo maalmood socon doona. Ka dib dalkii bay ku noqonayaan, waxayna dalkan ku soo noqon doonaan muddo yar ka dib.