Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaya dagaal qasaare geystay oo ka dhacay deegano ka tirsan gobolka shabeelaha hoose
Dagaalkan ayaa waxa la sheegay in uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada amisom ay ku lahaayeen gobolka shabeelaha hoose gar ahaana inta u dhaxeysa degmada buula mareer iyo deegaanka janaale
Wararka aan ka helayno deegaanada uu dagaalku ka dhacay ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkan uu ka dhashay qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
Dadka deegaanka ayaa kusoo waramayaan In maqlayeen jug culus iyo rasaas ay isweedaarsanayeen labada dhinac balse aysan xaqiijin Karin qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan
Alshabaab wararka ay barahooda interneetka ku faafiyaan wax ay ku sheegeen in ay dagaalo ku qaadeen ciidamada amisom islamarkaasna qasaare ku gaasiiyeen
Sidookale wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Xaalada deegaanada lagu dagaalamay ay dagantahay islmarkaasna ay howlagalo ka wadaan Ciidamada dowldda iyo kuwa amisom
Dhankale wararka laga helayo degmada walaweyn ee gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan dowlada gaar ahaana kuwa uu tababaro mareykanka ee baankaraafta loo yaqaano qarax qasaare kala duwan geeystay lagu eegtay duleedka degmada walaweyn
Ciidamaan ayaa waxa la sheegay in ay kasoo beexeen saldhiga ku yala balidoogle islamarkaasna ay kusii jeedeen dagmada walaweyn ee isla gobolka shabeelaha hoose
Qaraxaan lala eegtay ciidamada dowlada ee sida gaar ah u tababaran ee baankaraafta looyaqaano ayaa waxa la sheegay in uu ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh
Waxaana qaraxaasi ku dhimatay inta la xaqiijiyay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlada ee qaraxa lala eegtay halka tiro kalana ya ku dhaawacmeen
majirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa mareynka ee ciidamadaan tababaray kaasi oo ku saabsan qaraxaan lala eegtay ciidamada dowlada ee uu tababaray mareykanku