Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka caafimaadka ee WHO ayaa sheegtay inay diiwaan galisay kiisaskii ugu badnaa ee maalin qura laga soo wariyo caalamka.
24’kii saac ee ugu danbeeyay hay’addu waxa ay sheegtay in ay diiwaan galisay 307,900 kiis.
Sidoo kale tirada dhimashada ayaa ku korortay in kabadan 5,500 oo ruux taas oo ka dhigeesa tirada guud ee dadka xanuunkan ugu dhintay caalamka 917,417.
Kiisaska ugu badan ee Covid-19 ayaana laga diiwaan galiyay waamada Mareykanka, Hindiya iyo Brazil.