Muran xoog leh ayaa Saakay ka taagan garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ka dib markii ay joogsadeen duulimaadyadii aadi jiray qaar ka mid ah gobolada dalka sida ay sheegeen dad ku sugan Garoonka
Qaar ka mid ah Shirkaddaha diyaaradaha ayaa ka gadooday kadib markii mid ka mid ah Shirkaddaha diyaaradaha la sheegay in dowladda Soomaaliya ay shaqada ka joojisay.
Guddiga diyaaradaha ayaa shalay ku dhawaaqay shaqo joojin kadib markii diyaaradaha qaar laga joojiyay in ay aadaan degmada Doolow ee Gedo.
Dhanka kale Guud ahaan maanta waxay joojiyeen Shirkaddaha safaradii ay ahayd inay maanta ku tagaan gobolada dalka.