Taabit Cabdillaahi Xasan Rooble oo ka mid ahaa ardeydii kaalimaha hore ee galay imtixaankii dhawaan ay ku dhawaaqday Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday Qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Kismaayo.
Thaabid ayaa galay kaalinta 22 aad ee 100 Arday ee ugu horreysay.
Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa ka tacsiyaysay geerida thaabid.
“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelka, masuuliyiinta, bahda waxbarashada iyo bulshada reer Jubbaland geerida naxdinta leh ee ku timid Taabit Cabdillaahi Xasan Rooble oo ahaa ardaygii kaalinta 22aad ka galay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee dhawaan la shaaciyay” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaarada waxbarashada.