Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay inay waddo qorshe ay ka damacsan tahay Soomaaliya, kaasi oo sida la sheegay saameyn ku yeelan kara dalka.
Maraykanka oo saameyn ballaaran ku leh arrimaha Siyaaasadda Soomaaliya ayaa waxay diyaarinayaan sida la sheegay qorshe uu ku doonayo inuu Tababar siiyo Ciidamo Soomaali ah oo sida la sheegay ka qayb noqon doono Ciidanka xoogga dalka.
Sababta uu Mareykanku uu u tababaro Ciidanka Soomaalida ah ayaa lagu sheegay in uu doonayo Mareykanku in meesha ay ka baxdo Saameynta Dowladda Turkiga ku lee dahay Soomaaliya.
Wargeyska Africaintelligence.com oo ah wargeys inta badan wax ka qora arrimaha Sirdoonka ayaa shaaca ka qaaday dhammaan sababaha Mareykanku uu tababarka u siinayo Ciidanka Soomaaliya gaar ahaan Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab, waxaana wargeyska lagu sheegay inay jiraan ilo hoose oo uu soo xigtay.
Africaintelligence.com ayaa sidoo kale qoray in Ciidankaan iyo hubkooda Mareykanku uu ku wareejiyay dowladda Soomaaliya, iyadoo Ciidanka si gaar ah loo tababaray ayna u dhammeystiran yihiin hubkooda iyo sidoo kale tababarkoodu, waxaana Wargeysku intaa ku daray inay jiraan dufcado si gaar ah u tababaran oo Mareykanku u tababaray dowladda Soomaaliya.
Wargeyska ayaa sheegay in hadda uu wado qorshe xooggan oo Mareykanku uu ku doonayo inuu tababar dhinac walba ah uu u fidiyo Ciidan Soomaaliyeed, kuwaas oo qaayb ka noqon doona Ciidanka Xoogga dalka, waxaana Mareykanku uu doonayaa inuu hoos u dhigo Saameynta Turkigu ku leeyahay Soomaaliya.
Mareykanka ayaa saameyn ku leh arrimaha Soomaaliya siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan, waxaana uu Soomaaliya ka caawiyaa la dagaalanka Al-shabaab, waxaaana meesha ka maqnayn Saameynta iyo wadashaqaynta Soomaliya Turkiga oo uu ka dhexeeyo xiriir aad u ballaaran.