Waxaa lagu soo warramayaa in biyo la’aan baahsan ay ka jirto deegaanka Gerilley oo ku taalla gobolka Gedo, taas oo saameysay nolosha dadka iyo duunyadaba koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa haleela badanaa roobab yari isku xigxiga, taasi oo sababta biyo yari ba’an oo ka dhacda deegaannada qaar.
Shacabka ku nool deegaanka Gerilley oo ku taalla xuduudda Kenya iyo Soomaliya ayaa biyo u raadsada deegaanno masaafo ahaan u jira ilaa 50 kilomitir.
Haddaba waxaanu arrintaa ka wareysannay guddoomiyaha deegaanka Gerilley Maxamuud Cabdille Warsame, khadka telefoonka ayuu ugu warramay wariyaha BBC-da Fartuun Ismaaciil.