Madaxweynaha Turkiga Rajib Dayib Erdogan ayaa Armeniya ugu baaqay iney joojiso qabsashada dhulka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh si ay labada dal xal waara u gaaraan.
Hadalka Edrogan ayaa ku soo beegmaya xilli uu dagaal laba maalmood oo xiriir ah socdau uu dhexmaray Azarbajaan iyo Armenia, iyadoo colaadda tobannaanka sana soo socotay ay dib ugu soo cusboonaatay gobolka Caucus ee Koonfurta-bari ee Yurub ku yaallo.
Erdogan wuxuu sheegay Armenia oo joojiso damaceeda qabsashada dhulka la isku hayo iyo gobolkaasi oo ay gabi ahaanbab ka baxdo ay tahay waddada keli ah ee ay labada dal nabad ku gaari karaan.
Wakaaladda wararka Turkiga Anadolu waxay sheegtay madaxweyne Erdogan inuu yiri “Turkiga inuu sii wadi doono awood kasta uu leeyahay uu saaxibtinimo iyo walaaltinimaba uu la garab istaago Azarbajaan.
Elnur Civik oo ah la taliyaha Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay inuu Turkiga dalka Azarbajaan oo ay xulafa yihiin uu hill iyo hooba la garab istaagayo.
Dagaal labada dal isniinti dhexmaray ayaa la sheegay iney ku dhinteen tobannaan qof, iyada oo dad malyan kor u dhaafayana ay dagaalladu ku qasbeen iney guriyahooda ka qaxaan.
Mas’uuliyiinta gobolka Nagorno-Karabakh waxay habeennimidi Isniinta sheegeen 26 askari iney dagaalka uga dhinteen taasoo qasaaraha dagaalkaasi ka dhashay ka dhigeyso in ka badan 80.
Dalal badan ayaa walaac aad u weyn ka muujiyey dagaalkan ku soo cusboonaaday labada dal iyada oo ay soo jiiteen quwadaha labadaasi dal deriska la ah sida Turkiga, Ruushka iyo Iiraan.
Waddamadaasina waxay xaaladda gobolka ka soo cusboonaatay u daneynayaan maadaamaa tuubbooyinka saliidda iyo gaaska ee ugu muhiimsan ay dalalkaasi dagaallamaya dhexmaraan.
Dagaalki ugu dambeeyey ee labada dal ayaa Axaddi bilawday, inkasta oo labada dal Azarbajaan iyo Armeniya uu midba midka kale ku eedeynayo colaadda soo cusboonaatay inuu isagu billaabay.
Labada dalna waxay diyaarsadeen ciidamo tira badan iyaga oo meelaha qaar kaga dhawaaqay xaalad dagaal.
Dagaalkan ayaa ah kii ugu cuslaa oo labada dal dhex mara iyada oo dagaal 2016-dii labada dal dhex maray ay ku dhinteen ugu yaraan 200 oo qof.
Dalalka kale maxay khilaafka ka yirahdeen?
Turkiga wuxuu ku dhawaaqay inuu taageerayo Azarbajaan, halka Ruushka oo xaruumo militari ku leh Armenia isla-markaana saaxib la ah Azarbajan uu labada dal ugu baaqay xabbad joojin degdeg ah.
Armeniya waxay Turkiga ku eedeysay iney taageero militari oo toos ah ay siiso Azarbajaan si ay ula wareegto gacan ku haynta dhulka lagu muransan yahay, balse eeddaasi waxaa dhinac isaga dhigay Turkiga.
Waddamada Azarbajaan iyo Armeniya maxay yirahdeen?
Wasiirka arrimaha dibadda Armeniya Zahrab Manatsakanyan oo BBC u warramay wuxuu Azarbajaan ku eedeeyey iney carqaldeysay heshiis nabaded oo horay loo gaaray oo khilaafka xal u ahaa, isaga oo carrabka ku dhuftay Armeniya iney marweliba difaaceyso gobolka.
Afhayeen u hadlay madaxtooyada Azarbajaan oo isna BBC u warramay wuxuu sheegay inuu dalkiisu uu qaado “Tallaabba kasta” oo looga hortagayo daandaasiga Armenia.
Xaqiiqooyin ku saabsan Nagorno-Karabakh
Wadahadallada labada dal ay yeesheen waxay ku soo dhammaadeen isafaham la’aan iyada oo aan la gaarin xal nabadeed oo waara, colaadda kajirtay gobolkaasina wixi ka dambeeyey burburkii Midowgii Soofiyeeti waxay ahayd mid deggan.
Ruushka, Faransiiska iyo Mareykanka oo si wadajir ah u guddoomiya ururka Amniga iyo Iskaashiga ee kooxda Minsk Yurub, ayaa iskudayaya iney labada dal u kala dab qaadaan si ay colaadda ay u joojiyaan.