Wasaaradda Gargaarka & Maaraynta Masiibooyinka Somaliya ayaa soo saartay digniin cusub, oo ku aadan in la filan karo fatahaad baaxad leh oo todobaadka soo socda uu samayn karo Webiga Shabelle.
Wasaaradda Gargaarka & Maaraynta Masiibooyinka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in roobabka mahiigaanka ee ka da’aaya dalka Itoobiya, ay sababi karaan fatahaado uu sameeyo Webiga Shabelle.
Webiga Shabelle ayaa maalmo ka hor bilaabay inuu ku fataho xaafadaha Magaalada Beledweyne, taasoo dadka deegaanka ku riixday in markii saddexaad muddo sanad ahi isaga barakacaan guryahooda.
Webiga ayaa karkaarada jabsaday, xilli roobab mahiigaan ka da’ayaan buuraleyda dalka Itoobiya, waxaana laga cabsi qabaa in fatahaado kale ka gaysto Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha Hoose.
Akhriso digniinta soo yeertay