Waxaa Maanta shir xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho waxgaradka,cuqaasha,siyaasiyiinta iyo dhalinyarada Beelaha hawiye.
Shirkaan ayaa waxa uu ahaa mid looga hadlayey xaalada siyaasadeed ee dalka islamarkaana ugu dambeyn laga soo saaray war murtiyeed.
Qodobada shirkaasi laga soo saaray waxaa ka mid ahaa in Dawlada dhexe Ee Madaxweyne Farmaajo hogaamiyo ay daan daansi ku heyso Beesha islamarkaana ogolaan doonin in doorashada dib loo dhigo.
Waxay sidoo kale cambaareeyeen falkii foosha xumaa ee loo geystay Xamdi Maxamed faarax oo ay cadaalad Dawlada ugu baaqeen.