Puntland, Xildhibaanda Gobolka Sanaag iyo Odayaasha dhaqanka qaarkood oo iska kaashanayaa Inuusan soo laaban Wasiir Jamaal Maxamed Xasan Liiska Golaha Wasiirada ee Cusub.
Tan iyo intii Xukuumadii Kheyre Booska baneysay Madaxda Puntland waxay yoolka koowaad ka dhigteen inaan Jamaal Maxamed sii hayaha Wasiirka Wasaarada Qorshaynta uusan soo laaban fasalkaan.
Madaxweyne Siciid Dani oo aan qarsan carada uu kaqabo ayaa dhowr shir oo uu la qaatay Beesha uu metalo kaga hadlay in Jamaal iyo Puntland aysan dhan u wada socon.
Safarkiisii ugu horeeyey ee Gobolka Sanaag ayaa ku tegay magaalada Dhahar ee laga soo doorto, balse faramadhan iyo quus ayuu kala soo noqday sida la sheegay.
Bilowgii isbuucii lasoo dhaafay ayey markale soo shaac baxday khilaafkani kadib markii Madaxweyne Dani Qado uu ku maamusay xildhibaanada Puntland si ay u ansixiyaan heshiiska Jihaynta Doorashada, balse Jamaal Xasan ayaan kasoo muuqan.
Xildhibaan laga soo doorto Gobolka Sanaag ayaa Safar ajandihiisa lagu sheegay Furista faraca Ummadda ee Badhan ku tegay Gobolka Sanaag, waxayna la kulmeen Suldaanka Guud ee Gobolka, waxaa laga wadahadlay fursadaha soo noqoshadooda iyo shaqooyinka ay qabteen.
Dani oo ka war hayey socdaalkaan iyo ujeedadiisa qarsoon ayaa u isticmaalay kaadhka uu kusaari lahaa Jamaal, waxaana lagu xidhay inay dhisaan siyaasad Villada Puntland wadato oo magaciisii loo dhiibay, fariintan ayaa barkaneyd mid lamid ah oo Badhan ay kasoo qaadeen.
Ruclo orodka loogu jiro booska Jamaal ayaa isku dhan ujiheeysay Madaxda Puntland iyo Odayaasha dhaqanka Sanaag oo kooxiba dan gaar ah uga faa’iidaysaneyso.
Xogtan wixii kasoo kordho halkan ayaa idinkula wadaagi doonaa.