Ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa howlgalo lagu baarayo Gaadiidka iyo dadka la socda waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Jowhar oo xarun u ah maamulkaas.
Dad u badan dhalinyaro oo ay hay’adaha ammaanka ku tuhmeen in ay katirsan yihiin Al-Shabaab iyo dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Jowhar ayay kusoo qabteen baaristooda.
Qaarkood waala sii daayay, halka shaqsiyaadka kale ay la aadeen saldhigyada ay ku leeyihiin Magaalada Jowhar oo xarun u ah DG Hir-Shabeelle, sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan lamaaha ammaanka.
Jowhar oo bilooyinkii lasoo dhaafay qaraxyo ka dhaceen, waxaa muddo bil ah lagu dilay labo Wasiir oo sidoo kale ahaa Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle, wixii ka dambeeyay falalkaas waxaa kordhay howlgalada Ciidamada.
Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in Al-Shabaab culeys saartay Gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii howlgalada iyo dagaalada Ciidamada Dowladda ay ku kordhiyeen Gobolka Shabeelaha Hoose oo deris la ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dowladaha Hoose ee Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo Wareysi gaar ah Mustaqbal ayaa sheegay Dadaalka dhanka amniga lagu xasilinayo uu socdo, balse Al-Shabaab xoogga saartay Gobolka Shabeelaha Dhexe.