Waxaa saacadihii la soo dhaafay socday cadaadis ay wadeen Beesha Caalamka oo la xiriiray sidii Madaxda ku sugan Dhuusamareeb iyo kuwa maqan go’aan wadar ogol ah uga gaari lahaayeen Hannaanka doorashada, waxaana cadaadis ugu xooggan uu saarnaa dhanka Madaxda ka maqan shirka, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland.
Wakiilka Qaramada Midoobey iyo Safiirka Mareykanka ayaa hormuud u ahaa dadaalada socday oo Madaxda maqan lagu cadaadinayay inay Dhuusamareeb tagaan, sidoo kale Madaxda ku sugan aysan wax go’aan ah u soo saari laheyn keligood.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni uu maalinta jimcaha imaan doono Dhuusamareeb, si uu ugu biiro shirka, halka Madaxweynaha Jubbaland uu Sabtida ku laaban doono Kismaayo, halkaasna uu ka soo ambabixi doono.
Waxaa jiray xiriiro dhanka taleefanka ah oo dhex maray Madaxweyne Qoorqoor, Madaxda Puntland iyo Jubbaland, oo ahaa xiriirkii u horreeyay oo dhex mara labada dhinac tan iyo wixii ka dambeeyay markii Dhuusamareeb 3 uu bilowday.
Sidoo kale, Beesha caalamka ayaa ku amartay madaxda ku sugan magaalada Dhuusamareeb ineysan kaligooda go’aan gaarin,islamarkaana shirka la balaariyo si loogu soo biiriyo madaxda ka maqan.
wali wuxuu dood ka taagan yahay nooca doorasho ee la qaadanayo,kaas oo isha lagu wada hayo,waxaana hadda dooda u badan tahay in doorasho dadban oo ka ergo badan tii hore la qaadan karo.