Sida uu ku daabacay Bartiisa gaarka ah ee Facebook ayuu Axmed Xersi ku sheegay in uu iska diiday la kulanka Madaxweynaha mareykanka Donald J. Trump.
Waxa uu sheegay Seygii hore Ee Senetor Ilhaan Cumar in uu casuumaad ama Marti qaad ka helay Madaxweyne Trump balse uu ka cudur daartay Arintaas.
Guux badan ayaa ka dhashay arintaan,oo qaarkood dadku sheegeen inuu Trump doonayey dhabar jebinta Ilhaan inuu u adeegsado Axmed Xersi.
Weli si shaacsan looma hayo Xogta uu bixiyey Axmed Xersi iyo waxa sababay inuu diiday Marti qaadkaasi sida uu isaguba yiri.