Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya, in qaar ka tirsan xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ay ka soo hor jeesteen, magacaabistii uu madaxweynaha Hirshabelle magacaabay guddiga Farsamada ee ka shaqayn lahaa hawlaha dhismaha Baarlamaanka 2aad e Hirshabeelle.
Xildhibaanadu waxay sheegeen in madaxweyaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ay tahay inuu ku shaqeeyo magaalada Jowhar ee ah xarunta maamulka, balse aysan ahayn in isaga oo ka maqan uu meelo kale ka soo diro warqado magacaabis ah.
Dhanka kale Magaalada Muqdisho ayay sheegeen Xildhibaannnada in aan looga talin maamulka oo madaxda Hirshabeelle ay tahay inay bulshada ugu shaqeeyaan xarunta maamulka e Jowhar.