War muritiyeed ka kooban Shan Bog ayaa waxa laga soo saaray Shirkii Beesha Mudulood ku lahaayeen Afartii maalin Ee Lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho.
Qodobada War Murtiyeedka ku jiray waxay ubadnaayeen Baaq ku socday Dawlada Hadda dalka ka jirta hogaankeeda.
Waxay Mudulood dalbadeen in Deegaanada beesha degto Gobollada Dalka laga saaro Al Shabaab,islamarkaana ay diyaar u yihiin xoog iyo xeelad inay Dawlada ka taageeraan Dagaalkaasi.
Beesha Mudulood waxay soo dhaweeyeen 13 Kursi Ee Aqalka Sare laga siiyey Maqaam ahaan Gobolka Banaadir.
Beesha waxay ka digtay in Ciidamo Shisheeye oo aan fasax heysan Dalka lasoo gelin karin,islamarkaana Xisbiyada Siyaasadeed iyo Hogaanka Dawlada ku dhaqmaan Ilaaliyaana Sharciga iyo Dastuurka Dalka uyaalla.
War muritiyeedka oo Qodobo badan ka koobnaa waxay kusoo dhaweeyeen sidoo kale Wada hadalka dib uga dhex bilaabmay dhawaan Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland.