Sida ay sheegayaan warar soo baxaya maanta oo Axad ah ayaa waxaa la filayaa in Muqdisho ay soo gaaraan Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland & Puntland oo ka kala imaanaya deeganada Maamulkooda.
Kadib cadaadis kala duwan oo xubnaha Beesha Caalamka ay saareen labadan Madaxweyne Maamul Goboled ayaa la sheegayaa inay sabab u tahay imaanshaha safarkooda Magaalada Muqdisho, si heshiis looga gaaro arrimaha doorashada.
Ciidamo illaalo u noqon doona Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa shalay galab waxa ay soo gaareen Magaalada Muqdisho, waxaana Ciidankaasi la socday xubno ka mid Prorocalka Madaxweynaha Puntland.
Labada Mas’uul ayaa sida la sheegay waxaa ay shir la yeelan doonaan Madaxweyne Farmaajo, iyadoo sida la sheegay la dhammaystiri doono arrimo la xariira doorashooyinka dalka iyo sidoo kale waxyaabo quseeya siyaasadda dalka.
Jubbaland iyo Puntland ayaa ka maqnaa shirkii Dhuusamareeb3 ee lagu go’aamiyay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta, waxaana ay qaaddaceen qodobadii kasoo baxay shirkaasi iyagoo sheegay in aan loo dhammeyn, inkastoo shirka ay Garoowe ay ku yeesheen ay kasoo saareen war-murtiyeed ay wada hadal ku dalbadeen.