Madaxweynayaasha DG Puntland iyo Jubbaland oo iyagu noqday Labada Madaxweyne ee ka soo horjeestay Natiijada Shirkii Wada-tashiga ee Dhuusamareeb 3 ayaa la filayaa inay maanta soo gaaraan magaalladda Muqdisho.
Ciidamo Hubeysan oo hordhac u ah Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa waxay shalay soo gaareen Muqdisho, kuwaasi oo loogu talagalay inay sugaan Ammaanka Labada Madaxweyne muddada ay joogaan magaalladda Muqdisho.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland waxay Kulamo la yeelan doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Wafuud ka socota Saaxiibada Beesha Caalamka ee taageerada siiya Somalia.
Kulanka ayaa la saadaalinayaa in lagu qaban doono Xarunta Xalane, inkastoo warar kale sheegayaan inay Madaxweynayaasha kulan ku yeelan doonaan Villa Somalia.
Waxaa suurtogal ah inay Madaxweynayaasha DG Hirshabelle, KGS, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir lagu casuumo Shirka ay Beesha Caalamka qabanqaabisay ee la isugu keenayo Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.
Ma kala cadda inay Saamileyda kale ee Siyaasadda ka qeyb geli doonaan Shirka salka ballaaran ee Wada-tashiga Nidaamka Doorashooyinka soo socda.
Madaxda Madasha Xisbiyadda Qaran oo dhawaan la kulmay Beesha Caalamka waxay ka shanqariyeen in loo baahan yahay in Heshiiska Dhuusamareeb 3 lagu qeexo Maalinta Rasmiga ee Doorashadda la qaban doono.
Dhanka kale Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Siyaasi Mucaarad ku ah DFS waxa uu ku baaqay in Qoddobadii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3 loo baahan yahay in lagu muujiyo sharci ahaanta 13-ka xubnood ee Kuraasta Gobalka Banadir ka heleen Aqalka Sare ee BFS iyo inuu Madaxweynuhu magacaabo RW cusub oo awood u leh inuu sii ambaqaado Shirarka loogu gogol-xaarayo Qabsoomida Doorashooyinka 2020/2021.