Macalin Nuur Maxamed Siyaad waxaa uu ku dhashay degmada Xaradheere ee gobolka Mudug sanadkii 1921-kii.
Macalin Nuur Maxamed Siyaaad Sheekhiisa waxaa uu ahaa allaha u raxmadee Mucalim Biyo Maaloow, Mucalim Nuur Maxamed siyaad ayaa 60-sano ahaa macalin dadka bara qur’aanka Kariimka ah.
Waxyaabaha lagu xasuusto Macalin Nuur Maxamed Siyaad waxaa kamid ahaa in uu dadaal badan ku bixiyay u qidmeeynta diinta Islaamka isaga oo dhisayo goobo lagu barto qur’aanka Kariimka ah Masaajido lagu cibaadeeysto iyo Moowlacyo lagu barto Cilmiga.
Macalinka waxaa uu dhisay in ka badan kun Madarasooyin ah oo lagu barto qur’aanka.
Macalinka ayaa dhisay in ku dhow 50 Masjid oo oo ku yaalo Muqdisho.
Macalim nuur ayaa waqfay dhul baaxadiisu ay aad u weeyntahay oo 350 Boos oo halkii Boos uu yahay ( 20 m2) labaatan mitir oo laba jibaaran, oo lagu aaso Dadka Muslimiinta ah ee dhinta si lacag la’aan ah
Waxaa uu ahaa quudiyaha iyo caawiyaha masaakiinta iyo fuqarada.
Macalinka waxaa uu ahaa Nabadoon ka qeeyb qaatay daminta dagaalo beeleedyadii ka socday magaalada Muqdisho isaga oo si toos ah u dhexgali jiray dhinacyadii dagaalamayay.
Waxyaabihii sida gaarka ah loogu xasuusta Macalin Nuur ayaa aheyd in uusan dhigin jirin kitaabka qur’aanka .
Ugu dambeeyntii 28-kii Octobar sanadkii 2009-kii ayuu ku dhintay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.
Macalinka naxariistii jano allaha ka waraabiyo qabrigana Allaha u nuuriyo.
Xasan Maxamed Samatar Cowke