Bulsha walba degaanka ay ka soo jeedo waxaa looga baahanyahay in ay u istaagto, hurumarkiisana u midowdo.
Hadii aan bulshada degaankaas ka soo jeedaa ku baraarugsaneyn una mideysnayn horumarinta degaankooda, natiijada la hubo in ay ku dhamaan doonto, waa tan hadda ka muuqata HirShabeele ee ku saleysan kala daadsanaan, aragti la’aan iyo wax qabad la’aan.
HirShabeele, waxaa helay maamul aan xil iska saarin horumarkeeda, una soo jeedin oo tiisa uun ku milmay. Mana helin bulsho soo jeeda, oo indha furan, una abaabulan in ay madaxda iyo maamulka HirShabeele ku kormeeraan wax qabadkooda, kulana xisaabtamaan, ku abaal mariyaan cidii wax qabaneysa, ku dhaliilaan cidii aan wax qabaneyn, ugu dambeyntana iska ceyriyaan cidii loo caal waayo.
Haddaba, si looga gudbo habacsanaanta iyo maamul xumada ku habsatay HirShabeele, waa in bulshada HirShabeele, gudaha iyo dibadduba isu abaabulaan wax ka bedelka xaaladda dayacan ee HirShabeele.
Waxa aan ugu baaqaynaa dhammaan waxgaradka iyo bulsha weynta HirShabeele ka soo jeeda iyo inta kale ee HirShabeele jecel, in ay isu abaabulaan una midoobaan gurmadka iyo badbaadada HirShabeele, si ay u yeeshaan cod midaysan oo xoogan oo wax ka bedeli kara habaca iyo dayaca ku habsaday HirShabeele.
Bulshada ka soo jeeda HirShabeele ee dibad joogta ahi waa in ay sameestaan golayaal ay ku midaysanyihiin, si ay xooggooda iyo xoolohooda u mideeyaan, cod xoogana u yeeshaan.
Goolka iyo yoolka loo socdaana waa in la helaa maamul leh: aqoon, aragti fog, karti, u heelanaan, daacadnimo, hal-zbuur iyo fulin firfircoon.
Gurmadka HirShabeele ha guuleesto!
xasan xundubey jimcaale