Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo talaada maanta ah jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Dowladda in ay ku fashilantay sugida amaanka Xabsiyada dalka.
Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya oo dhaleeceeyay dowladda federaalka ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Xabsiga Dhexe uu tusaale u yahay heerka xaalada amni ee uu dalku marayo, isaga oo sheegay in qurshuhu ahaa in laga fakiyo xubno u xiran Al Shabaabnimo.
Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay Hey’adda Nabadsugida in ay ka dambeysay qorshayahaas lagu fakinayay xubnaha Al-Shabaab ee xabsiga ku xirnaam sida uu hadalka u dhigay.
“Xalay Shabaab ku xirnaa Xabsiga dhexe ayaa hub loo galiyay si loo fakiyo waa qorshe taliska Nabad-sugidda ka socda waxba yaan lagu marmarsiyoon madaxda Xabsiga, waxaan kala garan la’nahay in taliska nabad-sugida uu yahay Al-Shabaab iyo talis Soomaali u shaqeeya,” ayuu yiri.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha soo socda howlaha laga sugayo waxaa ka mid ah inuu la xisaabtamo waxa uu ugu yeeray Taliska fasahaadsan ee Nabadsugida ee hoggaan xumada la dalaacayo sida uu yiri.
“Ra’iisul-wasaaraha cusub ee lasoo magacaabi-doono hadduu rabo kalsoonida dadka iyo in la aamino waa in uu taliska Nabad-sugidda hoggaankeeda ee iyaga shabaabka lakala garan la’yahay”.
“Sidoo kale, waxaan rabnaa ra’iisul wasaare fulinaya heshiisyadii Dhuusamareeb 1 iyo 2, 3-na horey u sii ambaqaada,” ayuu yiri, isagoo madaxda ku eedeeyay in ay ka dhaga-fureysteen baaqyadda saamileyda.
Maalintii shalay ayay aheyd markii xubno ka mid ah Maxaabiista Al-Shabaab ee ku jira Xabsiga dhexe ay hub heleen, kadibna la dagaalameen Ilaaladii xabsiga, qaarna dilay, qaarna dhaawacay, iyadoo aanay weli dowladda ka hadlin qaabka wax u dhaceen khasaaraha ka dhashay dagaalka muddada saacadaha ah ee ka socday xabsiga dhexe.