Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadlle ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii magaalada Beledweyne Safiyo Xasan Shiiq Cali Jimcaale, waxaana Maayarka cusub loo magacaabay Nadar Tabaax Maalin.
Guddoomiyaha cusub ee magaalada Beledweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa naqoneeysa Mayarkii labaad ee Dumar ah ee taariikhta loo magacaabo kursiga Mayarka magaalada Beledweyne.
HIRSHABELLE: La soco wararkii ugu dambeeyay
Wararka ayaa sheegaya in haweeneyda laga qaaday ay ku suganeyd magaalada Muqsisho muddo aad u dheer xilli magaalada beled weyne ay ka jiraan howlo fara badan oo hor yaala maamulka magaaladaasi.