Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare BFS oo ka qaybgalay munaasabadda furitaanka kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka labaad Dowlad Goboleedka Galmudug.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in saddex arrimood ay ku guuleysteen Hay’adaha, madaxda iyo shacabka Galmudug, lagu diiwaangeliyay taariikhda oo baal dahab ah ka geli doonaan.
1-Galmudug oo lagu kala aragti fogaaday ayay isu keeneen, halka ay tanaasuleen dadkii cabashada iyanna qabay, taasina meesha ka saartay kala qaybsanaantii taagned ee qofba meel saldhigtay.
“Yaan laga noqan hiigsiga muuqda oo hanashiida loosoo maray heerar kala duwan, Dalku guud ahaan waa mid barwaaqo ah, haddii aynu helno nabad, wax isku quuris, isu tanaasulid iyo is garab-qabasho” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka sare BFS.
2-Martigelina kulan muhiim u ah xasilooni siyaasadeed iyo doorashada dalka, maadaama ay qabteen Shirarkii Dhuusamareeb 1,2 iyo 3 oo qodobo muhiim ah laga gaaray.
“Waxa aad martigeliseen Soomaali oo dhan oo aad u dhigteen gogol lagu go’aan kaaray, xaqiiqdii cidna wax ma weydiisan oo guryihiina ayaad u baneyseen martida waana soorteen” ayuu sii raaciyay guddoomiye Cabdi Xaashi.
3-Dabasocodka waxyaabaha lagu heshiiyay si looga miro dhaliyo waxyaabihii heshiiska laga gaaray oo guud ahaan dadka mas’uuliyad ka saaran tahay.
“Kaalintiida waad gudateen oo wax dambe idinkuma xirna, waxa aan rajeyneenaa waa miro dhalka waxyaabihii halkaan lagu ballamay, waad ku mahadsan tihiin waana idinka mahad celinayaa”.