Warbixin ay Kaaliyaha Danjiraha Maraykanka u jooga Xarunta QM, Cherith Norman Chalet dhawaan u gudbisay Golaha Ammaanka ee QM waxay ku sheegtay inay Dowladda Maraykanka oo keliya ay 5.3 Billion oo Dollar ku bixisay Somalia 20-kii sano ee la soo dhaafay.
Waxay intaasi ku dartay in inta badan Kharajkaasi loo adeegsaday dhinaca Ammaanka, balse aan wax Natiijo Guul ah laga gaarin Soo-celinta Nabadda Somalia.
Kaaliyaha Danjiraha Maraykanka u jooga Xarunta QM, Cherith Norman Chalet waxay hadalkaasi jeedisay, kadib, markii uu Ergayga QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador James Swan uu 15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM u gudbiyey Warbixin ku aadan Dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Arrimaha Somalia.
Kaaliyaha Danjiraha Maraykanka u jooga Xarunta QM, Cherith Norman Chalet waxay kaloo sheegtay inaysan lahayn Kharajka ballaaran ee ay ku bixiyaan Ammaanka Somalia iyo Natiijadda hawlgalladda Amniga ee dhulka.
Waxay intaasi ku dartay inay Maraykanka weli adeegsanayaan Duqeymaha Diyaaradaha lala beegsanayo Saraakiisha Alshabaab, inkastoo uusan xalku keliya ahayn in Hawlgalo Milliteri looga guuleysan karo Alshabaab.
Cherith Norman Chalet waxay kaloo ay walaac xoogan ka muujisay Lacagaha Canshuuraha ee ay sheegtay in la siiyo Alshabaab, iyadoo xustay in weerarkii Alshabaab dhawaan ku qaadeen Hotelka Elite loo adeegsaday Dhaqaale ay Alshabaab ka qaadeen Xarumaha Ganacsiga, waa sida ay hadalka u dhigtay.
Dhinaca kale, Hadal-qoraal oo ka soo baxay Agaasimaha Taliska AFRICOM ugu qaabilsan Arrimaha Dadweynaha, Kolonel Chris Karns waxa uu ku sheegay inay sii wadi doonaan Tababarka Ciiddanka Soomaalida iyo Taageeradda Hawlgalladda Duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Alshabaab.
Agaasimaha ayaa sheegay in AFRICOM sanadkan oo keliya fuliyeen 46 Duqeymo oo ay la beegsadeen Al-Shabaab, si Awoodooda loo wiiqo, waa sida uu hadalka u dhigay.