Dowladda Canada ayaa sheegtay in lacag dhan $11 Milyan oo doolarka dalkaas ah una dhiganta $8,413,790 (Siddeed Milyan, Afar boqol, saddex iyo toban kun, todobo boqol iyo sagaashan Doolarka Mareykanka.
Lacagtaan Canada dhiibtay ayaa Soomaaliya loosoo mariyay Sanduuqa Qaramada Midoobay u qaabilsan Dadka ee UNFPA, waxaana wax looga qabanayaa arrimo dhowr ah oo ay Dowladda Canada u qoondeysay.
Si gaar ah waxaa wax looga qabanahaa Dhibaatooyinka Jinsiga la xiriira, Caafimaadka, Dhallaanka Hooyada, Waxbarashada, Covid-19 iyo qaybo kale oo ay Dowladdu Canada u aragtay in ay ka jirto baahi u baahan in la daboolo.
Canada ayaa sheegtay in Hal Milyan oo doolarkeeda ah lagu dhameystirayo daryeelka Caafimaadka si wax loogu qabto daryeelka Hooyada gaar ahaan meelaha lagu umuliyo marka ay uurka leeyihiin.
Ujeedka Canada ay ka leeyadahay howshaan ayaa ah in la hirgelinayo 15-Xarun tababar oo loo aqoon kordhinayo Umulisooyinka si loosoo kordhiyo qibraddooda waaya aragnimadooda, loona badbaadiyo haweenka u dhimanaya dhalmada iyo dhibaatooyinka Jinsiga.
“Canada waxa ay arrintaan ka rajeyneesaa in Soomaaliya dhanka wanaagsan u hogaamiso naftooda, qoysaskooda iyo guud ahaan Soomaalida, waana tan aan si dhameystiran u rajeyneyno” ayay tiri Lisa Stadelbauer oo ah Danjiraha Canada ee Soomaaliya.
Safiiradda ayaa sii raacisay in Canada ay indhaha ku heysto horumarka laga gaarayo in la hubiyo qorshahaan ay ka gacan siinayaan Dowladda Soomaaliya waana maalgelin qaybta Caafimaadka ah.
Anders Thomsen Agaasimaha UNFPA Soomaaliya ayaa dhankiisa u mahad celiyay Dowladda Canada, isaga oo sheegay in arrintaan ay xoojineyso wada shaqeynta Qaramada Midoobay iyo Canada ka dhaxeysa si wax looga qabto dhibaatooyinka u gaarka ah haweenka sida badbaadinta Nolosha Umusha.
Canada waxa ay sheegtay in ay gacan ka geysanayo badbaadinta dumarka Soomaaliyeed oo ah kuwa ugu nugul dhibaatooyinka, waxaana ay sheegtay in ay joogteyneyso kaalmada ay siiso, si mustaqbalka ay uga gudbaan waxyaabaha dhibka ku ah.
Halkaan ka aqriso Warsaxaafadeedka Dowladda Canada.
PRESS RELEASE – Canada to support UNFPA Somalia to Strengthening SRHR