1-dii Agoosto 1998-dii ayaa la dhisay Dowlad Goboleedka puntland, xili dalka uu ku jiray dagaalkii sokeeyay, waxaana la qabtay shirar la isugu soo dhaweynayay dhinacyadii hubeysnaa ee qaybta ka ahaa dagaaladii ka dhacay deegaannada maamulkaas.
Xubnaha wax ka aas-aasay dhismaha maamulka Goboleedka Puntland waxaa kamid, Madaxweynihii 6-aad ee Soomaaliya Korneyl Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo maamulkaas kasoo noqday Madaxweyne.
Dowlad Goboleedka Puntland Dhismo ahaan waa Gobollada Nugaal, Bari, qaybo kamid ah Mudug, Sool iyo Sanaag oo ay ku muransan yihiin Somaliland, marar kala duwana ay ku dagaalameen.
Waxaa jira Gobollo kale oo ay magacaabeen, si ay u kordhiyaan Degmooyinka iyo Gobollada Maamulkaas, iyaga oo gaarsiiyay 9-Gobol oo kusoo biyo Shubanaya 5-Gobol oo kamid ah 18-Gobol ee Dalka.
5-taas Gobol oo ay sii kala qayb-qaybiyeen waxa ay kala yihiin: Mudug, Bari, Nugaal, Sool iyo Sanaag, waxa ay usii sameeyeen Degmooyin iyo Magaalooyin cusub.
Gobolka Mudug waxaa Magaalo madax u ah Gaalkacyo waxa ay maamulaan Saddex Degmo oo katirsan Gobolkaas.
Gobolka Nugal waxaa xarun u ah Magaalada Garoowe, 5-Degmo ayaa maamulkaas u diiwaangashan in uu ka kooban yahay.
Gobolka Sool waxaa Magaalo madax u ah Magaalada Laas Caanood, Diiwaanka Dowlad Goboleedka waxaa u gashay 7-Degmo.
Gobolka Bari waxaa xarun u ah Magaalo Xeebeedka Boosaaso oo ka kooban 5-Degmo oo u magacaabay mas’uuliyiin kala duwan.
Gobollada kale oo uu Maamulka Puntland Magacaabay, Magaalo madaxda loo asteeyay iyo Degmooyinka hoostaga waxa ay kala yihiin:
Cayn oo Xarun looga dhigay Magaalada Buuhoodle, Saddex Degmo ayaa hoostagta oo maamul ahaan diiwaanga u gashan Puntland.
Karkaar Magaalo Madax waxaa looga dhigay Magaalada Qardho oo 5-Degmo hoostagta si loo ballaariyo howlaha maamulka.
Gardafuul waxaa xarun looga dhigay Magaalo Xeebeedka Caluula waxaana hoostaga 5-Degmo oo diiwaanka Maamulka ku jirto.
Gobolka ugu dambeeyo oo uu magacaabay Puntland waa Haylaan, xarun waxaa u ah Magaalada Dhahar, waxaana hoostaga 3-Degmo.