Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin fiqi ayaa Baarlamaanka Galmudug ugu baaqay inay meel mariyaan sharciyo muhiim ah oo uu ugu horeeyo sharciga la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada.
Waxaa uu sheegay in sharcigaan uu muhiim u yahay inay Galmudug kasoo kabato dagaal beeleedyadii ka dhacay iyo weerarada ay marraka qaar degaannada Maamulkaas ka geystaan Ururka Al-Shabaab.
” Waxaan heynaa sharcigii lagu dhisi lahaa hay’adaha Amniga iyo kan la dagaalanka Argagaxisada oo sahli kara in Al-Shabaab laga saaro degaannada ay Galmudug ka heystaan iyo in wax laga qabto kuwa lacagaha ku taageera ayuu yiri” Wasiir Fiqi.