Maamulka jubbaland ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalaldii ugu dambeeyay oo ay Ciidamada Jubbaland iyo kuwa taageera ka fuliyeen degaano ka tirsan Maamulkaas kaas oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fuliya degaannada Maamulkaas.
Wasiirka Wasaaradda Wafaafinta Jubbaland ayaa sheegay in duqeymahaas lagu bartilmaameestay saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab, hayeeshee uusan shaacin Magacyada Saraakiisha ka tirsan Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in duqeymaha ugu badan ay ka dhaceen degaano hoostaga degmada Buu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe, isla markaana uu jiro khasaaro kasoo gaaray Ururka Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.