Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaqyo todobaadyadii la soo dhaafay ay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ka bilaabeen degaano ka tirsan Gobolka Mudug.
Waxaa uu sheegay in Bulshada ku nool Gobolka Mudug gaar ahaan degaanka Bacaadweyne ay iska difaaceen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerar kusoo qaaday,waxaana uu sheegay inay Galmudug ay diyaar u tahay inay dadkaasi garab istaagto
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) waxaa uu ugu baaqay guud ahaan Bulshada ku nool degaannada Galmudug inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada Galmudug ay dhankooda howlgalkaas bilaabi doono.