Xildhibaan Sharma’arke Xasan Axmed oo ka mid ah Golaha Wakiilada HirShabelle Ayaa waxa uu ka hadlay Guddigii Xalay Madaxweyne Waare umagacaabay soo diyaarinta Qaabka loo soo xulayo Baarlamaanka labaad ee HirShabelle.
Xildhibaankani oo wareysi siiyey Idaacada Kaah Ee Muqdisho waxa uu sheegay in Guddiga la magacaabay ay tahay mid aan sax aheyn.
Waxa uu ku Eedeeyey Madaxweyne Waare,Gudoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Canab Ciise ay u afduuban yihiin Baarlamaanka oo shaqadii laga sugayey ay howlgab ka dhigeen.
Xildhibaan Sharma”arke ayaa waxa uu sheegay in aysan Ogolaan karin Sad bursi iyo iska hor keenida Beelaha HirShabelle,isagoo tusaale usoo qaatay Guddiga Farsamada Ee Xalay la magacaabay ay Dad kasoo jeeda Shabellaha Dhexe ubadan yihiin.