Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed Khadar ayaa guddi u Magacaabay dagaalkii shalay Xarunta Xabsiga dhexe ku dhexmaray Maxaabiis ku jirta iyo Ciidanka ilaalada ka haaya halkaas.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Mahdi Guuleed ayaa waxaa lagu magacaabay Guddi baaritaano dhab ah ku sameeya sababta keentay dagaalkii ka dhacay Xarunta Xabsiga dhexe, kaasi oo geystay Khasaaro kala duwan.
Guddigaas ayaa ka kooban 6-xubnood, isla markaana baaritaano ku sameeynaya dagaalkii dhexmaray qaar kamid ah Maxaabiis ku jira xabsiga dhexe ee Xamar iyo Ciidanka ilaalada ka haaya halkaas.
Dagaalkaaas oo socday muddo ku dhow laba saacadood ayaa waxaa soo afjaray Ciidanka dowladda Federaalka oo toogtay 4 kamid ah Maxaabiista oo qoryo qaatay, lana dagaalamayay Ciidanka Asluubta, waxaana la dhaawacay qaar kamid ah Ilaalada Xarunta iyo maxaabiis kale.
https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v8.0
Siihayaha Wasiirka cadaaladda XFS Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo goordhaw la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inuu socdo baaritaan lagu ogaanayo qaabkii loo abaabulay falkii ka dhacay xabsiga dhexe.
Posted by Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed on Monday, August 10, 2020