Guddiigii loo xil saaray Baaritaanka weerarkii bishan 10-dii kadhacay gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar waxay shalay kulan la yeeshay Sii-hayaha Xilka Ra’isul-wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed.
Guddiga Baaritaanka waxay Kulankaasi ku soo bandhigeen warbixin ku saabsan natiijadii ka soo baxday baaritaankii ay sameeyeen, oo ay ku ogaadeen Nidaamkii uu dhacay Dagaalkii Xabsiga Dhexe ku dhex maray Ilaaladda Xabsiga iyo Maxabiis Alshabaab oo ku xirnaa Xabsigaasi.
Warbixinta Guddiga waxay ku sheegeen in bishan Agost 8-dii iyo 10-dii gudaha Xabsiga la geliyey Hub, Bambooyin iyo Rasaas lagu soo dhex qariyey Jawaan ay Liini ku jirtay.
Dhinaca kale, Ilaa 27-qof ayaa loo xiray Kiiskaasi, sida ay sheegeen Guddiga Baaritaanka ee loo xil-saaray Weerarkii Xabsiga Dhexe ee Xamar.
Dadka loo xiray Kiiskaasi ayaa kala ah 12 Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Asluubta, 6 qof oo rayid ah iyo 9 ka mid ah Maxaabiistii Alshabaab ee ku xiran Xabsiga, kana qeyb galay Weerarkii ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar.
Guddiigii loo xil saaray Baaritaanka weerarkaasi waxay Warbixintooda ku sheegeen inay soo gebagebeeyeen Baaritaankooda, isla markaana ay Kiiskaasi ku wareejiyeen Xeer-ilaalinta Ciiddamada Qalabka Sida.