Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose waxaa lagu qabtay Askari katirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dil iyo dhaawac u geystay labo qof oo shacab ah sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada.
Askarigaan ayaa katirsanaa Ciidamada qaybta 43-aad, waana Askarta kooban ee Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Degmada Dhoobley, maadaama Kuwa Daraawiishta Jubbaland ay u badan yihiin Degmadaas.
Sarkaal katirsan Ciidamada fuliyay howlgalka lagu soo qabtay Askariga ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay, kadib markii qabashadiisa ay qaadatay muddo kooban iyo iska caabbin uu sameeyay Askariga wax dilay.
Askariga waxaa loosoo wareejiyay Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG ah u Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana loo gacangeliyay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida loo wax looga weydiiyo sababta uu dilka iyo dhaawaca u geystay.
Ilo xog ogaal ah ayaa Badweyntims u sheegay in Askarta fulisay howlgalka lagu soo qabtay labo kamid ah ay dhaawacmeen kadib markii uu isku dayay ka baxsashada Ciidamada oo markii dambe gacanta ku dhigay.
Jubbaland waxaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo kordhayay dilalka ay geysanayaan Askarta, waxaana dhawaan u digtay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo sheegtay in ay ciqaab adag la marin doono Askarigii qof toogta.
Maxkamadda Ciidamada qaybta Jubbaland ayaa si degdeg ah u fulisa xukunnada Askarta dilka geysata, waxaana ugu dambeeyay Askari katirsan maamulka Jubbaland oo waqtigii xukunka lagu riday saacado kadib lagu fuliyay.