Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ku guuleysatay koobka Community Shield oo ay rikoorayaal ku garaacday Liverpool, iyadoo uu tababare Mikel Arteta muddo xili ciyaareed badhkii ah ugu qaaday koobkiisii labaad.
Arsenal iyo Liverpool oo ku soo kala guuleystay labada koob ee FA Cup iyo Premier League ayaa iskaga hor yimid Community Shield oo ay garoonka Wembley ku kulmeen, waxaana bilowgii ciyaarta gool la hor martay Arsenal, iyadoo uu Aubameyang daqiiqaddii 12aad gool aad u qurux badan u dhaliyey.
Liverpool oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa daqiiqaddii 73aad goolka barbarraha ah uu u dhaliyey Minamino oo beddel kusoo galay ciyaarta.
Sida uu dhigayo sharcigu, ciyaartan laguma darin waqti dheeraad ah markii ay 90kii daqiiqadood barbarro 1-1 ah ku kala baxeen, waxaana la dhigay rikoodheyaal ay Arsenal guushu ku raacday 5-4.
Liverpool ayaa bilowgiiba goolka Arsenal taabsiisay kubbad uu garsoorku ka diiday oo OFFSIDE ahayd oo uu dhaliyey Virgil van Dijk, taas oo ku timid qalad nasaqnimo badan ka muuqatay oo uu David Luiz ku galay Wijanldum oo goolka u jiray 30 yard.
Dhamaadkii ciyaarta ayay Arsenal heshay fursad weyn oo ay gool ku dhalin karaysay, laakiin Willock ayaa u baahday in taatikada uu isticmaalay mid ka duwan uu la yimaaddo.
Ciyaarta ayaa la dhigay rikoorayaal kaddib markii ay dhamaadeen 90kii daqiiqadood ee caadiga ahaa, waxaana Liverpool goo ku laaggiisii ka khasaariyey da’yarka Rhian Brewster, iyadoo Arsenal ay wada dhalisay dhamaan shantii rikoodhe, sidaasna waxa koobka ku qaadday Arsenal oo guushan iyo middii hore ee FA Cup kaba uga mahadcelinaysa weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang.