Iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo laga sugayo inuu soo magacaabo Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa socda ololeyaal rag badan ku doonayaan in xilkaasi loo magacaabo, waxaana dhinaca kale soo baxay tallooyin loo jeedinayo madaxweynaha oo farta loogu fiiqayo inuu magacaabo shaqsiyaad gaara.
Tallooyinka yaabka leh waxaa ka mida inuu Raiisal wasaare u magacaabo ninka ugu dhow ee hadda ah Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaa sidoo kale lagula taliyey inuu xilka si rasmi ah ugu magacaabo Ra’iisal wasaare ku xigeenka ii sii-hayaha ka dhigay ee Mahdi Maxamed Guuleed.
Waxaa kaloo tallooyinka loo jeediyey Madaxweyne Farmaajo ka mida inuu xilka Ra’iisal wasaaraha u magacaabo Abuukar Osmaan oo hadda ah ergeyga Soomaaliya u fadhiga Xarunt Qaramada midoobay ee New York.
Agaasimaha Mac-hadka Heritage C/rashiid Khaliif ayaa talo yaab leh siiyey Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna farriintiisa ku yiri: ” Madaxweynuhu waa inuu magacaabaa Fahad Yaasiin haddii ay muhiim u yahay qof daacad u ah ama haddii uu u dhiibaa sii-hayaha Mahdi Guuleed haddii inay howshu socoto la doonayo..”
Wuxuu intaas ku daray waqtiga Ra’iisal wasaaraha soo socda ay ugu badnaan tahay 7 bilood, isla markaana aysan jiri doonin muddo kororsi, iyadoo dadka ku haboon aysan dooneyn xilka, kuwa u sharxanna aysan qaban karin.
“Haddii uu Madaxweyne Farmaajo talo iga maqlaayo waxaan dhihi lahaa adigoo aan waqti kale iska luminin magacow Ambsaddor Abuukar Osmaan Baalle” ayuu yiri Abuukar Arman oo ah Aqoonyahan iyo Diblomaasi hore oo si weyn uga hor yimid magacaabidii Xasan Cali Kheyre sanadkii 2017.
Liiska xubnaha la hadal hayo in xilkan loo magacaabayo waxaa ka mida:
Nuur Diiriye Xersi Fuursade
C/naasir Cabdulle Maxamed
Axmed C/salaan Aaden
Maxamud Axmed Nur (Tarsan)
iyo Xubno kale