Ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa inoo xaqiijiyay in madasha ay ku kala qeybsantay xaaladda guurka ee dalka iyo waliba xil ka qaadistii R’wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, kaas oo sabtii la soo dhaafay ay Golaha Shacabka codka kalsoonida kala noqdeen.
Hoggaanka Madasha oo markii hore soo saaray warqad ay kaga soo horjeedaan xil ka qaadistii Kheyre ayaa markii dambe ka noqday ka dib markii xubno ka tirsan Xisbiga oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ay ka biyo diideen warqadaas qeybna ka ahaayeen xildhibaanada kalsoonida kala noqday.
Sidoo kale, shirka todobaadlaha ee Madasha Xisbiyada Qaranka ee lagu qabtay Aaladda Zoomka ayaa waxaa ka baxay labo mas’uul ka tirsan Xisbiga,inkastoo markii dambe mid ka mid ah lagu soo celiyay.
Xubno ka tirsan madasha Xisbiyada Qaran ayaa baadi goob ugu jira xilka Ra’iisal wasaaraha oo xulistiisa ay ka socoto madaxtooyada Soomaaliya.
Xildhibaanada C/qaadir Cosoble oo ka mid ah ragga ugu miizaanka culus Madasha ayaa ka dalbaday Beeshiisa in lala raadiyo xilka Ra’iisal wasaaraha,taas oo shaki gelisay mowqifka qarsoon ee Madasha oo ah midowga lix xisbi siyaasadeed.
Sidoo kale, Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran sida Sheikh Shariif iyo Xasan Sheikh ayaa la dhacsaneyn hanaanka hadda socda ee Dowladda Federaalka ay ku wajaheyso doorashooyinka 2020/21,iyagoo markale ku celiyay in mowqifkooda wali isbedelin.