Wararkii ugu dambeeyay Xajka iyo xoolihii Soomaalida oo aan sanadkan Sacuudiga loo dhoofin
Dowladda Sacuudiga ayaa sanadkan aad u xadiday inta qof ay gudan karta waajibaadka Xajka. Xajka ayaa ah mid ka mid ah shanta tiir ee Diinta Islaamka.
Ka hor xanuunsidaha COVID-19 ee dunida ku sii faafaya maanta oo kale in ka badan saddex malyan oo Muslimiin ah oo dunida daafaheeda kala duwan isaga kala imaan jiray ayaa taagnaan jiray Banka Carafo, si ay u gutaan waajibaadka Xajka.
Ha yeeshee gudashada waajibaadka Xajka ee sanadka waa uu ka duwan yahay sidii hore, waxaana loo ogolaaday inay Xajin karaan dhawr kun oo qof oo keliya.
Axmed Aadan (Axmed Safiina) oo ka mid ah hawlwadeenada Soomaalida ee arrimaha Xajka ayaa sheegay in Dowladda Sacuudiga ay qaadatay go’aan, ay kaga hortageyso inaanu xanuunka ku dhex faafin Xajka iyo gudaha Sacuudigaba, taasina ay dhabaha u xaartay qorshaha sanadkan lagu soo koobay tirada yar ee loo ogolaaday inay Xajiso.
“Sanadkan aafada umadda oo dhan ama dunida oo dhan saameysay ee COVID-19 ayaa Xaj-kana saameysay. Xajku waa meelaha ugu badan ee ugu mashquulka badan leh, ee dad isugu yimaadaan, sidaa daraadeed Dowladda Sacuudigu go’aan bay qaadatay oo ah inaanay Xujeydu dalka dibadiisa ka imaan, saanu Xajka ugu faafin xanuunka iyo Sacuudiga gudahiisaba.” Ayuu yiri Axmed Safiina oo la hadlay VOA.
Dhanka kale suuqa ugu weyn ee Soomaalida oo ku tiirsanaa xoolaha nool ee iib-geeyo dalka Sacuudiga ayuu hoos u dhac weyn uu soo wajahay toddobadkan, ka dib markii aan dalkaasi loo dhoofin wax xoolo ah, sababo ku aadan Dowladda Boqortooyada Sacuudiga oo sanadkan si weyn u xadiday tirada Xajin karta.
Dhaqaalaha Soomaalida oo lafdhabar uu u yahay dhoofinta xoolaha nool ayay Soomaalida dalkaasi u dhoofin jirtay mallaayiin xoolo ah, si ay u qashaan Xujeyda, hase yeeshee sanadkan ayaanu jirin wax xoolo ah oo laga dhoofiyay dekedaha ku yaala geyiga Soomaalida.
Sacuudiga oo marar badan xanibaado ku soo rogay xoolaha deegaanada Soomaalida laga keeno, hadana xaaladda ayaa sanadkan ka duwan sidii hore, marka aad eegto joojinta lagu sameeyay Xujeydii dibadda ka soo Xajin jirtay.
a