Fanaanka Kanye West oo ah ninka qabo gabadha Modelka ee Kim Kardashian ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan doorashada xilka madaxtinimo ee Mareykanka taasoo dhici doonto bisha November ee sanadkaan 2020ka.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu Kanye West kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan doorashada madaxtinimo ee Mareykanka asigoona yiri; “Waa inaan ka dhabeynaa yaboohii Mareykanka anagoo Alle ku kalsoon sidoo kalana mideyneyno aragtideena, si aan u dhisno mustaqbalkeena waxaan isku soo sharaxayaa xilka madaxtinimo ee Mareykanka”.
Heesagaan 43 jirka ma uusan sheegiin tafaasiil intaas ka badan iyo hadii uu si rasmi u gudbiyay codsigiisa ku aadan inuu yahay musharax madaxtinimo, xili xaaskiisa Kim Kardashian ay kaga jawaab celisay iney soo dhigto sawirkiisa iyo calanka Mareykanka.
Kanye West ayaa wuxuu caan ku ahaa sida uu u taageeri jiray doorashadii madaxtinimo ee Donald Trump kaasoo aan wax shacbiyad ku dhex laheyn madasha fanaaniinta mareykanka dhexdooda wuxuuna West sanadkii 2018dii Aqalka Cad kula kulmay Donald Trump balse markii uu kulankaas dhamaaday ayuu wuxuu sheegay in ujeedka kulankaas iyo taageerada uu Trump siinayayba ay ahaayeen sidii uu Dimuqraadiyiinta u fogeyn lahaa asigana ugu gogol xaari laheyd inuu gaaro White House.
Dad badan oo taageerayaashiisa iyo shakhsiyaad caan ah ayaa ka falceliyay ku dhawaaqista Kanye West ee aheyd inuu u taaganyahay xilka madaxtinimo ee Mareykanka iyo hadii ay dhab katahay arinkaan ayadoo dadka qaarna ay ku tilmaameen iney tahay xeelad cusub oo uu isku suuq geynaayo si uu hadalheyn u abuuro.