Madaxda Dowladda Federaalka ayaa isha ku haya dhaqdhaqaaqa siyaasadeed, ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Dhuusamareeb ayaa laga dareemaya qaban-qaabada iyo marti-gelinta shirka maanta lagu wado in uu uga furmo Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka ka dhisan. Marti-gelinta shirkan ayaana noqonaya kiisii ugu ballaarnaa ee Dhuusamareeb lagu qabto, mudada uu xafiiska jooggo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Masuuliyiinta Galmudug ayaa diyaariyay goobihii la dejin lahaa martida ballaaran, ee saacadaha ina soo aadan ku soo wajahan Magaalada Dhuusamareeb, xilli sida uu qorshuhu yahay uu shirka qaadan doono laba illaa saddex maalmood.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in si weyn loo adkeeyay ammaanka, Galmudug-na ay ku filan tahay amniga Madaxda Maamulada.
Tani ayaa waxay dhabaha u sii xaartay in Arbacadii Magaalada Dhuusamareeb laga saaro booliska sida gaarka ahi u tababaran ee Haramcad, inkastoo qorshahan uu ahaa mid horey loo sii diyaariyay, xiriirna aanu la lahayn dhaqdhaqaaqa haataan ka socdo magaalada.
Shirkii Golaha Amniga Qaranka ku lahaayen Magaalada Muqdisho ee fashilka uu ku yimid ayaa maalin ka dib si lama fillaan ahayd ugu wareegay Magaalada Dhuusamareeb, ka dib markii Madaxweyne Qoorqoor uu Madaxweyne-yaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Puntland uu ka dhaadhiciyay in shir deg deg ahi isugu yimaadaan Dhuusamareeb.
Inkastoo Villa Somalia ay mahdineyso is xilqaanka Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxay hadana si dhow ula socon doontaa arrimaha shirka looga hadlayo, oo la xiriira doorashooyinka dalka ee murunka uu halakeeyay
Villa Somalia wax falcelin ahi weli kama bixin shirka Dhuusamareeb, haddii ay soo dhawayn laheyd iyo haddii kalaba, hadana waxaan marnaba meesha laga saari karin walaaceeda ku aadan in shirka laga soo saaro qodobo aan raali-gelineyn.
Yoolka Madaxda Galmudug ayaase ah in shirka ugu yaraan laga soo saaro is afgarad dalka looga dhaqaajin karo xaaladda uu haataan wajahayo, taa oo Madaxtooyada Galmudug ku muteysan doonto ammaan badan. Bulshada qaybteeda waxaa ay xilligan Madaxweynaha Galmudug u haystaan inuu yahay amaba ay ugu yeeraan ‘Mideeyaha Galmudug’, haddii uu isu soo dhaweeyana Dowladda Federaalka iyo maamulada ay is hayaan waxaa markaasi suurtagal ah in dadka qaarkii ugu yeeraan ‘Mideeyaha Qaranka’.
Dhanka kale shirka Dhuusamareeb ayaa waxaa taageeray Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya iyo Safaaradda Mareykanka ee Somaliya, waxa la suggaana waa shirka oo ka furmo Dhuusamareeb, lagana soo saaro qodobo uu dalka uga gudbi karo siyaasadda cakiran, ee uu la foolanayo.